WARARKA SOOMAALI

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Maanta la kulmay Safiirka Shiinaha FEI Shengchao.

Kulanka Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abokar Dubbe iyo Safiirka Dowladda China FEI Shengchao oo ka dhacay xarunta Safaaradda waxaa ay uga wada hadleen horumarinta mashaariicda Shiinaha ka fulinayo Soomaaliya.

Wasiir Dubbe ayaa safiirka uga mahad celiyay mashaariicda horumarineed ee Dowladiisu ka wado Soomaaliya gaar ahaa mashiiriic ay ku taageero Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska sida qalabeynta iyo horumarinta dhismaha Tiyaatarka iyo Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale Safiirka uga mahad celiyay kaalinta Dowladda China ee  dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, sidaas oo kalana Soomaaliya u taagan tahay ilaalinta Midnimada iyo wadajirka dadka iyo Dowladda China lagama maarmaanna ay tahay xoojinta arrintaasi.

Safiirka Dowladda China FEI Shengchao ayaa Wasiirka Warfaafinta ugu mahad celiyay kulanka iyo booqashada waxaana uu balan qaaday in ay xoojinayaan mashaariicda horumarinta Dhaqanka iyo Warbaahinta.

Waxaa uu sheegay Safiirka in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo ku  dhisan iskaashi, islamarkaana dowladiisu taageerayso horumarinta dhismaha dowladnimada.

Wasiir Dubbe oo ka mid ah Guddiga Abaaraha, waxaa uu sidoo kale Safiirka kala hadlay in  dowladda China gacan ka gaysato gurmadka abaaraha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noq noqday ee Soomaaliya, sida in loo sameeyo waro iyo ceelal lagaga hortago biyo la’aanta

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha
To Top