WARARKA SOOMAALI

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Midowdey ee Tanzania Marwo Liberata Mulamula.

Wasiirada ayaa kulankooda waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania, sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii loo sii horumarin lahaa cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha Labada Qaran, iyaga oo aragtiyo muhiim ah iska dhaafsaday iskaashiga Labada Dowladood ee arrimaha Gobolka iyo Qaaradda ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Tanzania uga mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee Shacabka iyo Dowladda aan saaxiibka nahay ee Tanzania ay u fidiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa Tanzania
To Top