WARARKA SOOMAALI

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo Midowga Yurub kala hadlay Arrimo xasaasi

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Tiina Intelmann.

Kulanka dhexmaray Wasiir Cabdisaciid Muuse iyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday danaha dheef-wadagga ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Sidoo kale kulanka ka qabsoomay Muqdisho ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinka iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Safiir Marwo Tiina Intelmann iyo Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo Midowga Yurub kala hadlay Arrimo xasaasi
To Top