WARARKA SOOMAALI

Wasiirka Amniga Xukuumadda oo Warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska

Wasiirka Wasaaradda amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Nor ayaa kormeeray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha Booliska.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiisha kale ee Booliska, kuwaasi oo ka hadlay xaaladda guud ee amniga iyo qorsheyaasha Booliska uga degsam xoojinta iyo sugidda Nabadgelyada.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Booliska adkeynta amniga gaar ahaan goobaha doorashooyinka, maadaama dhawaan la guda geli doono doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana uu kormeeray qeybaha xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Kormeerka uu sameeyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinaayay xubno ka tirsan Wasaaradda iyo Saraakiil kale.

Wasiirka Amniga Xukuumadda oo Warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska
To Top