WARARKA SOOMAALI

Wasiirka A/Dibadda Dowladda Somalia oo sheegay inuu ka badbaaday isku day Dil

Wasiirka Arrimaha-dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiir Cabdicasiid Muuse ayaa waxaa uu weerarkii dhacay ee lagu qaaday hoyga uu Gaalkacyo uga sugnaa ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Taliyaha Booliiska Gobolka Mudug Muumin Cabdi.

Cabdisaciid oo qoraal ku daabacay Twitter-ka ayaa sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo arrimo qoys wuxuuna weerarka ku qeexay isku ‘day dil siyaasadeed’ “waxaana kula xisaabtami doonaa dhamaan tallaanooyinka laga maarmaanka ah” – Ayuu yiri Cabdisaciid Muuse Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash  ayaa sheegay inuu Guddi baaritaan loo magacaabayo xaqiiqa raadinta dhacdadaas, isla markaana in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falka dhacay.

Wasiirka A/Dibadda Dowladda Somalia oo sheegay inuu ka badbaaday isku day Dil
To Top