WARARKA SOOMAALI

Wasiirada Maaliyada DF & D/Goboleedyada oo heshiis ku gaaray Muqdisho

Waxaa Maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay Shir u dhexeeyay Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboledyada, shirkaas ayaa maalintii shala aheyd ka furmay Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa inta uu socda xoogga lagu saaray arrimo ay kamid yihiin mideynta canshuuraha iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa Hey’addaha maaliyadda heer dederaal iyo heer dowlad goboleed.

Sidoo kale Shirka Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboledyada ee lasoo gaba-gabeeyay ayaa lagaga hadlay horumarinta hannaanka maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, deyn cafinta.

Shirka oo ay kaliya ka maqneyd Puntland ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob, halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka

 

 

Wasiirada Maaliyada DF & D/Goboleedyada oo heshiis ku gaaray Muqdisho
To Top