WARARKA SOOMAALI

Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay inuu xilkii iska Casilay

Wasiir ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug ayaa goordhweyd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka haayay maamulkaasi, isagoo sheegay in uu u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor warqadda Is casilaadda.

C/naasir Geelle oo ah  Wasiirka Qorsheynta dowlad Goboleedka Galmudug ayaan faah faahin ka bixin sababta rasmiga ah ee uu isku casilay, waxaana uu intaas ku daray in uu dib kasoo faah faahin doono.

Waxaa uu noqonaya Wasiirkii labaad ee iska casila Maamulka Galmudug, waxaa horay sanadkii hore is casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Wasiirka Is Casilay

“Waxaan maanta u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug warqadii aan iskaga casilay xilkii Wasiirka   Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee Galmudug.

Waxaan gadaal kasoo faahfaahin doona sababta keentay iscasilaadeyda oo aan ku faahfaahin doono shir jaraaid.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa dhamaan heyadaha Dowladda Galmudug iyo shacabkeeda. Sidoo kale waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa howl wadeenada Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalmiga sida hagar la’aanta eey iila shaqeeyeen.”

Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay inuu xilkii iska Casilay
To Top