WARARKA SOOMAALI

Wasiir Jamaal oo Qoraal ku weeraray Xildhibaanka u ololeynaya aqoonsiga Somaliland

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaan katirsan baarlamaanka UK oo u ololeenaya in la aqoonsado Somaliland .

Xildhibaan Gavin Williamson, oo katirsan baarlamaanka UK ayaa olole xoogan ugu jira aqoonsiga dowladnimo ee Somaliland, waxa uuna Baarlamaanka UK horgeeyay mooshin looga doodayay aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in in ololaha Xildhibaan Gavin uu muujinayo jaahilnimada ka heesata arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo tilmaamay xildhibaanka mid horey ugu fashilmay shaqo loo igmaday.

“Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan.” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Hadalkan Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aaday, iyada oo xalay Baarlamaanka Ingiiriska uu Xildhibaan Gavin Williamson horkeeyay Mooshinka aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Jamaal oo Qoraal ku weeraray Xildhibaanka u ololeynaya aqoonsiga Somaliland
To Top