WARARKA SOOMAALI

Wasiir Dubbe “Ha laga daayo Doorashada dalka Malxiiska iyo Weji xirashada”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ka bilowday, isagoo baaq u diray Guddiga doorashooyinka.

Wasiir Dubbe ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in dadka ku tarramaya kuraasta Golaha Shacabka ay noqdaan dad wajiyadooda la arki karo, una diyaarsan tartan ku dhisan daah furnaan ee aysan noqon dad niqaaaban.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Dubbe ayaa Guddiga doorashooyinka ka dalbaday inay doorashada ka daayan malxiiska siyaasadeed iyo niqaabka la xiranaayo, si doorashada u noqoto mid daah furan oo tartan la galo.

“Guddiyada doorashada waxaan leeyahay ha laga daayo doorashada malxiiska, hadaan laga daynayna ha laga daayo midka niqaaban,” ayuu yirii Wasiir Dubbe oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in lahjadda mayga ay tahay in la barto, bulshadana ay wax badan ka faa’iididoonaan, maadaama ay tahay quruxda Afka Soomaaliga.

Wasiir Dubbe “Ha laga daayo Doorashada dalka Malxiiska iyo Weji xirashada”
To Top