WARARKA SOOMAALI

Wasiir C/raxmaan Beyle oo diiday inuu Maanta hortego Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku gacan seyray inuu Maanta oo Isniin ah tago xafiiska xeer ilaaliyaha Qaranka oo looga yeeray.

Wasiir Beyle oo qoraal soo saaray ayaa caddeeyay in looga baahan yahay xeer ilaalinta inay soo marto xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda kaasoo uu xusay inuu u xilsaaran yahay difaaca heyadaha Qaranka.

Wasiir Belyle ayaa qoraalka ku yiri” Difaaca Hay’adaha iyo masuuliyiinta dowladda waxaa u xilsaaran Garyaqaanka dowladda marka xeer ilaaliye xafiiskaagu ha u hugaansamo xeerarka dalka”

Sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ayaa xaqiijiyay in Wasaaradda Maaliyadda ay diyaar u tahay in garyaqaanka guud ee dowladda la wadaagto Jawaabaha uu u baahan yahay Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka.

Wasiir C/raxmaan Beyle oo diiday inuu Maanta hortego Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka
To Top