WARARKA SOOMAALI

Wargelin muhiim ah oo ku socota Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Ohio

Dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee sharafta leh ee ku nool Gobolka Ohio, gaar ahaan Magaalada Columbus iyo hareeraheeda waxaanu si naxariis leh uga codsanaynaa  in ay nagala soo qayb galaan Kulan taakulo iyo taageero ah, oo taburacaad loogu sameynayo, dadkeenii dhibaatadu ka soo gaadhay dabkii baabiiyay todobaadkii hore Suuqii Waaheen ee Magalaada Hargaysa.

Kulanku wuxuu dhici doona:

Maalinta Axada ee taariikhdu tahay 04/10/2022.

Saacadu markay tahay: 7PM Ilaa 9PM, *haddii Alle idmona Afurku halkaas ayuu innoogu diyaar yahay*.

Waxaanu ka dhici doona haddii Allaah idamkiis: address-kan hoos ku qoran.

Ashland University Columbus Center.

1900 E Dublin Granville Rd, Columbus, OH 43229

Wanaag iyo walaalnimo ayaanu kugu soo dhawaynaynaa, waxaanu rajyanaynaa inaad naggala soo qayb gasho maalintaas. Mahadsanidiin!

By: Walaalaha isu xil saaray hawshan.

Wargelin muhiim ah oo ku socota Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Ohio
To Top