WARARKA SOOMAALI

Wareega labaad ee Shirka Ruushka iyo Ukraine oo Goordhow furmi doona

Inkastoo ay weli Madaafiic ku hoobanayso Magaalooyinka waa weyn ee dalka Ukraine,  haddana, Dowladda dalkaasi kama rajo dhigin wada-xaajoodka nabadda ee ay Ruushka kula jirto.

Wafuud la kala socota labada dhinac ayaa xaadir ku ah Madasha Shirkaasi oo ay Dowladda Belarus dhigtay.

Sida laga soo xigtay Vladimir Medinsky oo ah Kaaliyaha Madaxweynaha Ruushka waxa uu Kulanka caawa ka furmi doonaa Deegaanka Belovezhskaya Pushcha ee Gobalka balka Brest Oblast ee dalka Belarus,  una dhow Xadka dalka Poland.

Kulanka Maanta waxaa looga arrinsan doonaa sidii loo gaari lahaa Xabbad-joojin Degdeg ah iyo in mudnaanta la siiyo Arrimaha Siyaasadda iyo sidii la isaga kaashan lahaa Xiriirinta iyo Fududeynta Marinada  Gargaarka Aadminimo.

Dhinaca kale   Wafdiga Ukraine uga qeyb geli doona Shirkaasi waxay rajo ka muujiyeen Horumar laga gaaro wareega 2-aad ee Shirka Wada-xaajoodka ee Ruushka iyo Ukraine.

Wareega labaad ee Shirka Ruushka iyo Ukraine oo Goordhow furmi doona
To Top