WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Xiisad Culus oo Maanta ka taagan Garoowe & Ciidamo..

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta ka taagan xiisad u dhexeeysa ciidanka ammaanka Puntland iyo ciidamo hubeysan oo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo kasoo horjeeda dib u furista Dastuurka Puntland.

Ciidamo hubeysan oo farabadan ayaa lagu arkayaa waddooyinka gala Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe, sidoo kalena ciidankaasi ayaa xirtay isgoyska Global ee laamiga bartamaha magaalada.

Ciidamada taabacsan mucaaradka iyo ciidamada Maamulka ee ilaalinaya xarunta Baarlamaanka ayaa isku muuqda, taas oo keentay in dadka rayidka ah ka baxaan qaar kamid ah xaafadaha ka agdhow Baarlamanka, iyaga oo cabsi qaba isku dhacyo ciidan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in saaka ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga ee Garoowe, isla markaana uusan jirin meelaha qaarkood isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, sababo la xiriira dhaq-dhaqaaqyada laga dareemayo halkaas.

Dhinaca kale Fadhiga Baarlamanka Puntland ee saaka oo Talaado ah ayaa sida wararku sheegayaan baaqday, kadib markii dhaq dhaqaaq ciidan laga soo tebiyay caasimadda Garoowe.

Xiisaddan ayaa imaanaysa xilli lagu wado in dhawaan uu Baarlamanka Puntland cod geliyo soo jeedin ku saabsan furista dastuurka, oo ay soo gudbisay xukuumadda.

Wararkii ugu danbeeyay Xiisad Culus oo Maanta ka taagan Garoowe & Ciidamo..
To Top