WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Weerarkii Hotelka Pearl Beach oo lasoo Afjaray

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wax yar kahor salaadii subax ee saaka soo gaba-gabeeyay weerarkii ku bilowday qaraxyada ee xalay fiidkii Al-Shabaab ku qaaday hotelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo socday saacado dhowr oo xiriir ah ayaa markii hore ku bilowday laba qarax xoogganaa oo ay fuliyeen rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kadibna waxaa gudaha hotelka galay Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo tiradooda aan weli la sheegin.

Ciidanka ammaanka dowladda ayaa markii danbe ku guuleystay inay soo afjaraan weerarka lagu qaaday hotelka, ayna toogtaan raggii weerarka soo qaaday, Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay oo gaaray dad shacab ah oo joogay hotelka.

Sidoo kale ciidamada ay soo badbaadiyeen dad farabadan oo ku go’doodsanaa hotelka, oo ay xilligaas ka socotay rasaas xoog leh oo ay isdhaafsanayeen ciidanka ammaanka iyo Dableydii hubeysneyd.

Khasaaraha ka dhashay weerarka illaa iyo hadda si sax ah looma ogga, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka oo ay uga hadleyso weerarka xalay fiidkii ka dhacay xeebta Liido. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii cuslaa.

Ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayay, kadib markii lagu wareejiyay ciidamada sida Milateriga u tababaran ee loo yaqaano Boolis Milataaro oo lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Wararkii ugu danbeeyay Weerarkii Hotelka Pearl Beach oo lasoo Afjaray
To Top