WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Weerar khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Rag hubeysan ayaa saaka weerar ku qaaday Askar ka tirsan Ciidanka Nabadsugida gaar ahaan kuwa dharcadka ah oo ku sugnaa qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada caasimadda ah Muqdisho, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Dad ayaa waxaa kusoo warrameen in weerar loo adeegsaday Bam gacmeed lagu qaaday Askarta dharcada uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, ugu yaraan Hal Askari ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay weerarka, halka saddex kalena ay dhaawacmeen.

Askarta dhaawacantay ayaa waxaa durbadii la geeyay Isbitaal, si xaaladdood caafimaad loogula tacaalo, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in Israsaaseyn ay dhexmartay ragga weerarka soo qaaday iyo Askar ka tirsan dowladda.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada caasimadda ah Muqdisho ayaa sheegaya in haatan uu Suuqa ka socdo howlgal culus oo ay wadaan ciidamadda ammaanka, iyagoo baadi goob ugu jira raggii weerarkaasi dhacay fuliyay.

Wararkii ugu danbeeyay Weerar khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha
To Top