WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

Rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saaka Bam-gacmeed ku tuurtay fariisimo ciidanka Boolis Milataaro ay ku leeyihiin isgoyska deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana laga helayaa faah faahino kasoo baxaya falkaasi.

Dad ku sugnaa meel ku dhow fariisinta ciidanka ee Bambada lagu weeraray ayaa waxaa ay sheegeen in mar qura ay maqleen dhawaqa jug culus, kadibna ay xigtay rasaas farabadan oo ay fureen ciidanka xasillinta caasimadda ee halkaasi joogay.

Raggii qaaday weerarkaasi Bambada ayaa durbadii goobta ka baxsaday, waxaana intaas kadib ciidanka ay bilaabeen howlgalo ay ku raadinayaan kooxihii falkaasi ka danbeeyay, inkastoo weli aysan jirin cid loo soo qabtay falka ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama uu dhacay xilli aroor ah, goobta la beegsadayna ay tahay xarun ciidan, sidoo kalena ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga.

Shalay ayey aheyd markii qarax Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu ka dhacay maqaayad ku taalla isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku naf-waayay dad ku dhow 10 ruux.

Wararkii ugu danbeeyay Weerar ka dhacay duleedka Muqdisho
To Top