WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Weerar Dad lagu dilay ka dhacay Galmudug

Rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ayaa xalay weerar sababay khasaaro dhimasho ah ka geystay Gobolka Galgaduud gaar ahaan tuulada Baalal-dheer oo hoostagta deegaanka Cadakibir ee gobolkaasi, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaasi.

Maleeshiyaadka ayaa weerarka ku dilay laba nin oo ahaa xoolo dhaqato, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Wehliye Guure iyo Cabdinuur, isla markaana kamid ahaa dadka deegaanka tuulada Baalal-dheer.

Weerarka kadib ayaa waxaa goobta baxsaday ragii ka dambeeyay dilka, waxaana markii dambe tuulada tagay ciidamo kamid ah kuwa ammaanka Maamulka Galmudug iyo qaar kamid ah ehelada ragga dilay, iyagoo halkaasi ka qaaday meydadka.

Xaaladda deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ayaa haatan kacsan, waxaana laga dareemayaa xiisad kala dhalatay dilka raggaasi oo sida la tilmaamay salka ku aano beeleed oo horey uga dhacday deegaano kamid Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay dilalka iyo weerarada la xiriira aanooyinka qabiilka, kuwaasi markii ay dhacaan kadib isku bedela dagaalo geysta khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararkii ugu danbeeyay Weerar Dad lagu dilay ka dhacay Galmudug
To Top