WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Gobolka Mudug

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada dagaari iyo Tuula Xaaraan ee Gobolka Mudug, kaasi oo geystay khasaaro dhaawac oo soo gaaray Askar ilaalo u ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug.

Shilkaan ayaa waxaa galay gaari la socday kolonyo galbineysay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Axmed Bukhaari Xuseen, waxaana gaariga shilka galay oo ku socday xawaare dheereeya, isla markaana waxa uu ku rogmaday tuurada dagaari.

Shilka ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Askari oo kamid ah Ciidanka la socday kolonyada Guddoomiyaha dhawaan la magacaabay, iyagoona xiligaas kusii jeeday degmada Bandiiradley ee Mudug, dhaawacyada ayaa la geeyay Xarun Caafimaad.

“Waxaa saaka Shil naga galay Mid ka mid ah Gawaaridii ila socotay xilli aan kusii Jeeday Degmada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug, mahad oo dhan Alle ayay  sugnaatay inoo yasiray qasaaraha gaariga dhacay…  waxaan Caafimaad iyo soo kabasho Deg Deg ah u rajeeynaa labada Askari  ee dhaawacu kasoo Gaaray Shilkaasi” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Bukhaari Xuseen.

Wararkii ugu danbeeyay Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Gobolka Mudug
To Top