WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Sarkaal sare kana tirsnaa Yuhuuda & Dagaal dhacay

Ciidamada Israa’iill ayaa sheegay in la dilay sargaalka sare oo Ciidamadooda ka tirsan, kadib markii ay  iska horimaadyo kala kulmeen Xooggaga wax iska caabinta falastiiniyiinta.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sidokale sheegaya iska horimaadka oo barqonimadii Maanta ka dhacay xaafadda Al-Jalama ee degaanka Janin, ay ku dhinteen labo qof oo falastiiniyiin ah.

Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Xoreynta Falastiin ee Fatax, ayaa sheegay in dagaalkii saakay ka dhacay Jiniin ay ku beegsadeen gaari ay lahaayeen ciidamada Israa’iil oo marayay meel ku dhow koontaroolka Al-Jalama, kaasi oo ay u geysteen khasaare baaxad leh.

Dagaalka ka dib ayaay ciidamada Israa’iil xirxireen Caruur Falastiini ah oo 10 sano jir ah oo ku sugnaa meel u dhow kontoroolka Za’tara ee koonfurta Nablus.

Wararkii ugu danbeeyay Sarkaal sare kana tirsnaa Yuhuuda & Dagaal dhacay
To Top