WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo Qarax lagu dilay

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ee meelaha fogfog laga hago ayaa waxaa uu Maanta Barqadii ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay Gaari Qooqan ah oo uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Jubbaland xilli uu marayay inta u dhaxeysa degaannada Baarka iyo Buulo-Guduud.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen Sarkaalka xukuma Ciidamada Jubbaland ee Aaga degaannada Baarka iyo Buulo-Guduud iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Sarkaalka qaraxa lagu dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Mooraal, wuxuu ahaa mid siweyn ula dagaalami jiray Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan Gobolka Jubbada  Hoose  ayaan weli ka hadlin qaraxaas, waxana dhowr jeer sidaan oo kale qaraxyo ay uga dhaceyn wadada u dhaxeysa degaannada Baarka iyo Buulo-Guduud ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Wararkii ugu danbeeyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo Qarax lagu dilay
To Top