WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax sababay khasaaro oo ka dhacay Galgaduud

Inta la xaqiijiyay saddex ruux oo dhallinyaro ahaa ayaa barqanimadii Maanta ku dhintay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog fog oo ka dhacay deegaan ku dhow degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaraxa miinada ay haleeshay Mooto nooca laba lugaaleyda ah oo saarnaayeen dhallinyarada oo la sheegay inay kusii socdeen deegaanka Cali Heelle oo ku dhow degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Saddexda ruux ee dhallinyarada ayaa durbadii goobta uu qaraxu ka dhacay ku naf-waayay, isla markaana waxaa markii dambe halkaas gaaray qaar kamid ah qoyska raga dhintay iyo ciidanka Milateriga dowladda oo soo qaaday Meydadka.

Dhowr jeer oo horey ayaa waxaa sidaan oo kale qaraxyo miinooyin uga dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ugu geeriyooday dad shacab ah oo saarnaa gaadiid, kuwaasi oo ay haleeleen qaraxyo miinooyin ah oo lagu aasay laamiga hareerihiisa.

Wararkii ugu danbeeyay Qarax sababay khasaaro oo ka dhacay Galgaduud
To Top