WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax sababay Dhimasho oo ka dhacay Muqdisho

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa fiidkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan guri ku yaalla xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa la dhex geliyay guriga uu ka dhex dhacay qaraxa oo uu degan yahay taliyihii hore ee Booliska saldhiga degmada Hodan Cabdifataax Qoslaaye oo isagu ka badbaaday qaraxaas dhacay.

Nin la sheegay inuu la dhashay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo lagu magacaabi jiray  Cali Axmed Diiriye iyo saddex qof kale i ku dhintay qaraxa.

Sidoo kale dad goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxa ay ku dhaawacmeen Askar kale oo joogtay guriga Taliyaha, xiligii uu qaraxu dhacayay, kuwaasi oo durbadii loola cararay mid kamid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii ugu danbeeyay kusoo badanayay qaraxyada miinada ah, ee laga hago meelaha fog fog, waxaana maalmo kahor qaraxa miino lagu xiray gaari ku dhaawacmay Xoghayaha Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wararkii ugu danbeeyay Qarax sababay Dhimasho oo ka dhacay Muqdisho
To Top