WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax lagu dilay Taliye ciidan ka tirsan Puntland oo dhacay

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay duleedka deegaanka Ceelaayo oo ka tirsan Sanaag, waxaana qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aasay oo lala eegtay gaari nooca dagaalka ee cabdilaha loo yaqaano.

Gaariga la qarxiyay ayaa waxaa saarnaa Taliyihii ciidamada deegaanka ee Buuraha Calmadow oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Xiireey, isagoona ku dhintay qaraxa lala beegsaday gaariga oo kusii jeeday deegaanka Ceelaayo oo ka tirsan isla Sanaag.

Sidoo kale qaraxa ayaa ku dhintay qaar kamida ilaaladii la socday Taliye Cabdirashiid Xiireey, halka dhaawacyo ay gaareen Askar kale, waxaana goobta durbadii tagay ciidamo ka tirsan Puntland oo halkaas ka qaatay dhaawacyada iyo meydadka Askarta la Qarxiyey.

Ciidamada la qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen ciidamo gurmad ah oo u socday degaanka Durduri oo kuyaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Ceelaayo iyo Laasqoray, halkaasi oo ay Al-shabaab weerar ku qaadeen.

Ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadkii degaanka ayaa isaga baxay degaanka Durduri ee Gobolka Sanaag, Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaanka Durduri, hayeeshee laamaha Amniga Puntland ayaa weli dhankaada ka hadlin qaraxaas.

Wararkii ugu danbeeyay Qarax lagu dilay Taliye ciidan ka tirsan Puntland oo dhacay
To Top