WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Kismaayo

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, waxaana qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog.

Qaraxa ayaa waxaa lagu aasay afaafka hore ee Guriga uu xaafadda Siinaay ee Kismaayo ka degan yahay Abaanduulihii hore ee Ciidanka Jubbaland, jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada, kadibna waxaa xigay rasaas ay fureen Ciidamo.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaar kamid ah Carruurta uu dhalay Abaanduulihii hore ee Ciidanka Jubbaland ay ku dhinteen qaraxa, xilli ay ku sugnaayeen Guriga, halka isaga uu dhaawac fudud gaaray, lana geeyay Xarun Caafimaad.

Ciidamada ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa howlgalo baaritaano ah ka sameeyay xaafaddo ka tirsan Magaalada, in kastoo aysan Saraakiisha ammaanka Maamulka ka hadlin howlgalka iyo qaraxii xalay ka dhacay Magaaladaas.

Kismaayo oo ah Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa xilliyada qaarkood ka dhaca qaraxyo miinooyin ah iyo dilal qorsheysan oo geystaan rag hubeysan, Al-shabaab ayaa sheegta qaraxyada iyo falalka amni darro ee halkaas ka dhaca.

Wararkii ugu danbeeyay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Kismaayo
To Top