WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Nin Kenyan ah oo Maanta lagu dilay Muqdisho

Nin hubeysan oo ku labisnaa deriska ciidanka dowladda Federaalka ayaa duhurnimadii meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku dilay Nin Kenyaan ah oo ka shaqeynayay dhismo halkaasi ku yaalla.

Qaar kamid ah dad ku sugnaa goobta uu falka ka dhacay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Ninka hubeysan uu rasaas qeybaha sare ee jirka uga dhuftay ninka Kenyaanka ahaa, isagoona durbadii goobta ku naf-waayay.

Illaa iyo hada lama oga sababta loo toogtay muwaadinkan u dhashay dalka Kenya, kaas oo ka shaqeynayay goob uu ka socday dhisme dabaq ah oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee, waxaana meydkiisa la geeyay Xarunta hay’adda CID-da.

Si kastaba ha’ahaatee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, waxaana maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro dilal iyo weeraro intaba.

Wararkii ugu danbeeyay Nin Kenyan ah oo Maanta lagu dilay Muqdisho
To Top