WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Nabaddoon caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa laga helayaa rag hubeysan oo Nabaddoon caan ahaa ku dilay gudaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, Nabaddoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, isagoo u dhintay rasaas dhowr ah oo qeybaha jirka looga dhuftay.

Dilka ayaa waxaa Nabaddoonka loo geystay goob Garaash ah oo uu ku sugnaa, isla markaana waxaa uu ku sameysanayey gaari uu lahaa, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah, kooxihii ka dambeeyay falkaas ayaana goobta ka baxsaday.

Wel lama oga sababta loo dilay Nabadoon Xuseen Xaayoow Xalane, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu kamid ahaa Odayaasha hormuudka u ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dadka deegaanka ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca falal amni darro oo ay geystaan rag hubeysan, iyadoo horey dadka kunool Caasimadda ay cabasho ka ahaayeen kooxo burcad ah oo dadka dhaca kadibna dil u geysta.

Wararkii ugu danbeeyay Nabaddoon caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
To Top