Muwaadiniin Soomaali ah oo kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa xalay waxaa burcad hubeysan ay ku dishay deegaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.
Muwaadiniinta la dilay oo laba Nin ahaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Allah u Naxariistee Cabdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xamuud Jaras, kuwaasi oo lagu weeraray dukaan ku yaalla deegaanka Happy Valle oo ku ganacsan jireen.
Rasaasta lagu dhuftay dhallinyaradan ayaa markii hore waxaa kasoo gaaray dhaawacyo culus , waxaana markii dambe dhallinyaradaasi isbitaalka ugu geeriyoodeen dhaawacyadii cuslaa ee soo gaaray.
Saraakiil katirsan Booliska Cape Town oo gaaray dukaanka dilka ka dhacay ayaa sheegay in ay baarayaan dilka , waxa ayna booliiska ballan-qaadeen in ay gacanta kusoo dhigi doonaan dilaayaasha.
Si kastaba, dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku leh goobaha Ganacsi, waxaana sanadkaan 2023 sii kordhay dilalka, boobka iyo dhaca dalkaasi loogu geysanayo Soomaalida.