WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Mas’uuliyiin  iyo shacab ku dhinay Qarax ka dhacay Jalalaqsi

Gelinkii dambe ee galabta ayaa waxaa qarax is-miidaamin ah oo uu ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kaasi oo lala beegsaday mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo ku sugnaa afaafka hore ee xarunta degmada, jugta qaraxa ayaa siweyn loo maqlay.

Taliska Booliska degmada Jalalaqsi ayaa xaqiijiyey in qaraxii dhacay uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo saaray dad isugu jiray mas’uuliyiin  iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qarxu ka dhacay oo burbur xooggan uu ka muuqdo.

In ka badan 10 qof oo ay ku jiraan Guddoomiyihii Jalalaqsi Maxamed Cumar Nuur Cagajoof Dabaashe iyo duqii magaaladaas Aadan Maxamed Ciise ayaa ku dhintay qaraxii Jalalaqsi, sida uu BBC-da u sheegay Taliyaha Booliska Jalalaqsi Maxamuud Shire Xuseen.

Sidoo kale dhowr ayaa ku dhaawacmay qaraxii dhacay, Taliyuhu waxaa uu sheegay in gaariga qaraxa waday uu doonayay inuu isku qarxiyo buundada kor marta webiga Shabeelle, balse ay ciidanku rasaaseeyeen sidaasna uu ku qarxay gaariga qaraxa siday.

Qaraxa ka dhacay Jalalaqsi ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyadoo isla galabta qarax Is-miidaamin ah Al-shabaab ay ku burburisay Buundada magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan oo muhiim u aheyd wadada isku xirta Gobolada Dhexe illaa Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay Mas’uuliyiin  iyo shacab ku dhinay Qarax ka dhacay Jalalaqsi
To Top