WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Mas’uul lagu dilay xaafad ka tirsan Muqdisho

Faah faahino ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo barqadii Maanta xaafad Miisaanka Dhuxsha ee magaalada Muqdisho ku dilay Guddoomiyihii hore ee degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Sheikh Xasan oo ahaa Odey 75-sanno jir.

Dableyda ayaa Marxuumka ku weerartay goob maqaayad ah oo ku sugnaa, iyagoona dhowr xabadood qeybaha sare ee jirka ugu dhuftay Guddoomiyihii hore ee degmada Aadan-yabaal, isagoo goobta ku naf-waayay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya raga falkaasi geystay ay hore kusii dhaawaceen haweeneydii maqaayada laheyd oo lagu magacaabayay Canab Axmed Cali, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii dilka gesatay.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay , waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaanno , lamana sheegin ciidamada in dad usoo qabteen dilka iyo dhaawaca dhacay.

Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo yaraaday dilalka iyo qaraxyada, waxaana dilkan maanta dhacay imaanayaa xilli xalay magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Wararkii ugu danbeeyay Mas’uul lagu dilay xaafad ka tirsan Muqdisho
To Top