WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Khasaaro badan oo ka dhashay Qaraxyo ka dhacay Hiiraan

Qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa galabta ka dhacay degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa Jalalaqsi ayaa waxaa uu ka dhacay Bar koontarool oo ku taalla meel ku dhow Buundada Jalalaqsi ee Hiiraan, gaari miineysan ayaan ku qarxay halkaas, wax yar kadib qarax kale ayaa oo Is-miidaamin ahaa ayaa ka dhacay banaanka Jalalaqsi.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadii ka dhacay Jalalaqsi, halka in ka badan 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo durbadii loola cararay xaruma Caafimaad, sidoo kale waxaa jira burbur xoog leh oo gaaray dhimasyaal.

Dhinaca kale Qarax Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa ka dhacay galabta degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, dhowr qof ayaa dhimasho iyo dhaawac qaraxaas oo ahaa mid xooggan.

Dad ku dhow 6 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii ka kala dhacay degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte, halka 30 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana dadka dhaawacmay loo soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho, si loogu daaweeyo.

Wararkii ugu danbeeyay Khasaaro badan oo ka dhashay Qaraxyo ka dhacay Hiiraan
To Top