WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Khasaaraha Weerarkii Al-Shabaab ee Baardheere

Faah faahino ayaa laga helayaa qaraxyo Is-miidaamin ah oo Maanta Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Baardheere gaar ahaan xero ciidan oo ku taalla degmadaas oo lagu tababaro dhallinyaro loo diyaarinayay xoreynta deegaanada Maamulka Jubbaland.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa lagu weeraray xerada lagu magacaabo ADC oo xilligaas ka socday tababar la siinayay dhallinyaro farabadan, waxaana qaraxyada loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay halka laga galo xerada.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerarka, Laamaha ammaanka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa laga soo xigtay in 7 ruux ay ku dhinteen qaraxyada, halka ku dhowaad 15 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Gurmad xoog leh oo loo sameeynayo dadkii waxyeelada soo gaartay ayaa ka socda gudaha xerada iyo banaankeeda, waxaana dhaawacyada lagu soo qaadayaa Gaari-gacano iyo baabuur, si loo gaarsiiyo xarumaha caafimaadka.

Xaaladda degmada Baardheere ayaa haatan ah mid aad u cakiran.

Wararkii ugu danbeeyay Khasaaraha Weerarkii Al-Shabaab ee Baardheere
To Top