WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Guddoomiye ku-xigeen Degmo oo lagu dilay Sh/Hoose

Guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha Bulshada degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Haashim Maxamed Xasan ayaa saqdii dhexe ee xalay waxa ay kooxo hubeysan ku dileen duleedka degmadaasi.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-xigeenka oo watay gaari wadada looga galay, isla markaana gaariga lagala dagay, kadibna ay dileen kooxdii dableyda aheyd ee jidka u gashay Guddoomiyaha oo xilligaas la tilmaamay inuu shaqo u socday.

Dad ku sugan Wanlaweyn oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in Haashim Maxamed Xasan rasaas lagu dhuftay, xilli uu Guddoomiye ku-xugeenka maraayay tuulada Buulo Xaashi oo qiyaastii 25 km bari uga beegan degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Illaa hadda lama sheegin kooxda dishay Gudoomiye kuxigeenkii arrimaha Bulshada Wanlaweyn iyo sababta ay u dileen toona, laakiin waxa Wanlaweyn iyo tuulooyinka ku xeeran ka taagnaa in dhawaalaba colaad sokeeye oo u dhaxeysa beelo ood wadaag ah.

Wararkii ugu danbeeyay Guddoomiye ku-xigeen Degmo oo lagu dilay Sh/Hoose
To Top