WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Gaari ay la socdeen Dad shacab ah oo la Qarxiyey

Qarax sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Maanta ka dhacay degaanka Uunsi oo udhaxeeyo degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegayan wararka aan ka heleyno halkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxa uu haleelay Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, oo la tilmaamay inay safar ahaayeen, waxaana qaraxu ku qabsaday xilli ay marayeen deegaanka Uunsi.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka saddex qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad shacab oo saarnaa gaariga uu qaraxu haleelay, dad ayaa gurmad u sameeyay dhaawacyada oo loo qaaday Doolow.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxaya Maamulka Jubbaland iyo kan Gobolka Gedo oo ay uga hadlayaa qaraxaan khasaaraha dhaliyey ee Maanta ka dhacay degaanka Uunsi oo udhaxeeyo Baladxaawo iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Wararkii ugu danbeeyay Gaari ay la socdeen Dad shacab ah oo la Qarxiyey
To Top