WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iyo dadka Deegaanka ayaa xalay saq-dhaxe Howlgal qorsheysan oo dhanka cirka ah ka fuliyay inta u dhaxeysa Mesagawey iyo Baraag Sheikh Caamir oo ka tirsan Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Xawaal xoreey iyo Raage Bariir, waxaana lagu dilay in ka badan 21 ruux oo kamid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab waxaana lagu gubay gaari Cabdi bile ah oo lahaayeen maleeshiyaadka.

Taliyaha ururka 86-aad guutada 77 ee ciidanka xoogga dalka Cabdinuur Yuusuf Qadaaye ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn lagu garaacay goobo ay joogeen Al Shabaab lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan.

Kooxda xalay weerarka cirka ah lagu beegsaday Al Shabaab ayuu sheegay sargaalkan katirsan milatariga Soomaaliya in aagaasi shalay soo gaareen ayna ka abuubuli rabeen weeraro, waxa uua xusay in duqeynta dhacday xilli xoolo qalasho ku jireen.

Diyaaradaha dagaalka ee garabka siiya ciidanka xoogga dalka ayaa fuliya weeraro dhinaca cirka ah oo lagu beegsanayo Al Shabaab, weeraradaasi ayaana mararka qara khasaarooyin xooggan kasoo gaaraan Al Shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

To Top