WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Duqeyn ka dhacday Mekele, xilli Go’aankii Jabhada TPLF

Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ayaa duqeyn diyaaradeed ka geysatay Gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya, waxaana duqeynta lala beegsaday Xarun Jaamacad oo ku yaalla Magaalada Mekele, khasaaro ayaana ka dhashay duqeynta.

Saraakiil ka tirsan Jabhada TPLF ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta uu ku dhaawacmay hal qof, isla markaana burbur xoogan uu gaaray Xarunta la duqeeyay.

Kibrom Gebreselassie, oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Isbitaalka Ayder Referral Hospital, oo ah kan ugu weyn Tigrayga ayaana xaqiijiyey inuu khasaaro ka dhashay duqeynta, kadib Qoraal uu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

“Tani waxay dhacaysa kadib markii xukuumadda Tigray ay dhistay koox wadaxaajood ah waxayna muujisay inay diyaar u tahay wadahadal nabadeed,” ayuu Afhayeenka TPLF Kindeya Gebrehiwot ku yiri boggisa Twitter-ka.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaan ka hadlin duqeymaha la sheegay in lagu sameeyay, iyada oo af hayeenka dawladduna aanu ka jawaabin codsiyo la xiriira inay dhinacood ka hadlaan arrintan.

Wararkii ugu danbeeyay Duqeyn ka dhacday Mekele, xilli Go’aankii Jabhada TPLF
To Top