WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Diyaarad Qaad sidday oo ku buburtay Cabudwaaq + Sawirro

Diyaarad nooca yar-yar oo Qaad u sidday magaalooyinka Cabudwaaq iyo Gaalkacyo ayaa Maanta ku burburtay meel u dhow Garoonka diyaaradaha magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Diyaaradda ayaa markii hore ka duushay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ay kusii jeeday Cabudwaaq, hayeeshee in aysan Garoonka magaaladaas gaarin ayey dhulka kusoo dhacday, ayna burburtay.

Sawirro laga soo qaaday goobta ay ku dhacday diyaarada ayaa muujiyay burbur gaaray mid kamid baalasha ay ku duuleysay diyaaradda, isla markaana qeybta hore ay dhulka ku dhufsatay meelo ay ku yaallaan geedo yar-yar,

Ilaa iyo haddaa lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa burburka iyo dhicitaanka diyaaradaan qaadka u sidday magaalooyinka Cabudwaaq iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud ka kala tirsan, sidoo kalena lama oga khasaaraha ka dhashay.

Wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan inay haatan socdaan baaritaa kala duwan oo ay wadaan laamaha ammaanka ee dowlad Goboleedka Galmudug oo isku hareereeyay goobta diyaarada ay kusoo dhacday.

Wararkii ugu danbeeyay Diyaarad Qaad sidday oo ku buburtay Cabudwaaq + Sawirro
To Top