WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dil ka dhacay Magaalada Caabudwaaq iyo Ragii fuliyay oo…

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya koox hubeysan oo Wiil dhalinyaro ah ku dishay Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dilku uu ka dhacay Barxadda Siiga dheer oo ka mid ah Magaaalada Caabudwaaq, halkaasi oo uu ku sugnaa Marxuumka dilka loo gaystay.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxmed dardaar, waxaana uu ka mid ahaa dhalinyarada Degmada sidaweyn looga garanayay.

Dableydii dilka gaysatay ayaa goobta isaga baxsaday sida wararku ay sheegayaan, waxaana goobta garay Ciidanka ammaanka,kuwaasi oo howgallo sameeyay, balse lama shaacin ilaa iyo hadda cid loos oo qabtay dilkasi loo gaystay Wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Waa qofkii saddexaad oo dil arxan darro ah loogu geystay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud maalmo Gudahood, mana jirto cid iska xil saartay sidii wax looga qaban lahaa dilalka loo geysto wiilashada dhallinyarada ah ee kunool Magaaladaas.

Wararkii ugu danbeeyay Dil ka dhacay Magaalada Caabudwaaq iyo Ragii fuliyay oo…
To Top