WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka xooggan ee Suudaan & Barakaca socda

Dagaallada ka socda dalka Suudan ayaa qaboobay ka dib markii ay ciidammada millateriga iyo ciidanka gurmadka degdegga ah ee iska soo horjeeda ay ku heshiiyeen xabbad-joojin 72-saacadood ah.

Ha yeshee goob-joogayaal ayaa sheegaya in rasaas googgoos ah saaka laga maqlay caasimadda Suudaan xilli Waddamada Carabta, Aasiya iyo Reer-galbeedka ay ku dadaalayaan sidii ay muwaaddiniintooda uga soo saari lahaayeen dalka.

Ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF) ayaa sheegay in Mareykanka iyo Sacuudiga ay dhexdhexaadiyeen xabbad joojinta.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa ku dhawaaqay heshiiska wuxuuna sheegay in uu daba socday laba maalmood oo wadahadalo xooggan ay socdeen.

Labada dhinac ma aysan u hoggaansamin dhowr heshiis oo xabbad joojin ku meel gaar ah oo hore ay ugu dhawaaqeen.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka xooggan ee Suudaan & Barakaca socda
To Top