WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Xabad-joojin 24 saac oo looga dhawaaqay Suudaan

Wararka ka imaanaya Dalka Suudaan ayaa sheegay in dhinacyada isku haya dalkaasi ay ku heshiiyeen xabad joojin qaadaneysa muddo 24 saac ah.

Xabad joojintaan oo ay ogolaadeen labadaasi dhinac ayaa loogu talagalay  in lagu qaado dadka dhaawaca ah iyo in dadka rayidka ah ay helaan waddooyin nabdoon oo ay maraan.

Ugu yaraan 185 qof ayaa la dilay in ka badan 1,800 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalku qarxay, ayuu yiri ergayga Qaramada Midoobay Volker Perthes.

Kolonyo dublamaasiyiin Maraykan ah ayaa lagu rasaaseeyay Suudaan ,waxaana geystay weerarkaasi dagaalyahanno xiriir la leh ciidamada mucaaradka ee RSF, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Wararkii ugu danbeeyay Xabad-joojin 24 saac oo looga dhawaaqay Suudaan
To Top