WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka ka dhex Qarxiyey Liyuu Boolis iyo Al-shabaab

Waxaa saaka xaalad daganaansho ah oo aan cago badan ku taagneynin laga dareemayaa deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaasi oo ay dagaalo culus ku dhexmareen Ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-shabaab.

Dagaalada oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacayey deegaanka Laas-qurun oo hoostaga degmada Feer-feer ayaa la isku adeegsanayey hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro farabadan oo dhimasho iyo dhaawac leh

Xaaladda ayaa saaka degan, inkastoo weli dhinacyada Ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-shabaab ay weli isku hor-fadhiyaan deegaanka, waxaana labada dhinac ay kala haleen gurmadyo xoogan, dadka deegaanka ayaa waxaa lasoo deristay cabsi xoogan.

War kasoo baxay laamaha amniga ee dowlad deegaanka ayaa lagu sheegay in guulo ka gaareen dagaalkii shalay ka dhacay deegaano hoostaga Feer-feer, waxa ayna shaaciyeen in ay jabiyeen dibna u riixeen dagaalyahanadii Al-shabaab ee deegaanka soo galay.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Laas-qurun iyo deegaano kale, waxaana wararka la helayo sheegayaan in labada dhinac dagaalka khasaaro uu kasoo gaaray.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka ka dhex Qarxiyey Liyuu Boolis iyo Al-shabaab
To Top