WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal xooggan oo saaka ka socda Laascaanood

Wararka aan ka heleyno duleedka magaalada Laascaanood ee  Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka mar kale halkaas uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka kacdoonka deegaanka iyo ciidanka Maamulka Somaliland.

Dagaalka oo bilowday arroornimadii hore saaka ayaa yimid, kadib markii ciidanka Somaliland ay duullaan kale kusoo qaadeen farriisimo ciidanka kacdoonka dadka deegaanka ay ku leeyihiin gudaha Laascaanood, sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

Dhawaqa rasaas xoog leh oo dhinacyada isku adeegsanayaan dagaalka ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka socda.

Maamulka Somaliland oo War-saxaafadeed kasoo saaray dagaalka ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday ciidankooda oo ku sugnaa Laascaano qeyba kamid ah, isla markaana ay soo weeraray sida ay sheegeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo garab siinaya dadka deegaanka magaalada.

Dagaalkii shalay ka dhacay Laascaanood ayaa waxaa ku naf-waayay in ka badan 30 qof oo dhinacyada iyo dad shacab ah, waxaana Somaliland ay xasuuqday dad isku qoys ahaa oo gaarayay illaa 7 qof, halka dad kale oo farabadana ay ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal xooggan oo saaka ka socda Laascaanood
To Top