WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal xoogan oo ka socda Duleedka Laascaanood

Dagaal u dhexeeya ciidanka Maamulka Somaliland iyo ciidanka SSC ayaa maanta ka socda duleedka Bari ee magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana dagaalkaas uu bilowday, kadib markii ciidanka Somaliland ay weerar soo qaadeen.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xooggan oo dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, khasaaro kala duwan ayaa lasoo weriyey inuu dagaalkaas ka dhacay oo labada dhinac soo kala gaaray.

Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale barbar socota duqeyn ay ciidanka Maamulka Somaliland ku garaacayaan xaafaddaha qaar ee magaalada Laascaanood, waxaana sawirro lasoo qaaday ay muujinayaan dhismayaal ay ku dhaceen hoobiyeyaasha oo burburay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka SSC ay iska caabin xoogan ku sameynayaan ciidanka Maamulka Somaliland ee duullaanka kusoo qaaday, xaaladda aaga uu dagaalka ka socda ayaa ah mid cakiran.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ahayd mid deggan, inkastoo ay jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo Maamulka Somaliland ka waday aaga Goojacade.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal xoogan oo ka socda Duleedka Laascaanood
To Top