WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal ka dhacay Garoowe & xiisad ka taagan

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal kooban oo arroornimadii hore ee saaka ka dhacay magaalada Garoowe gaar ahaan aaga Jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka bilowdaan diiwaan-gelinta.

Rasaasta ayaa mar qura ka dhex bilaabatay ciidamada kumaandooska DANAB ee Puntland ee uu hoggaamiyo Guuto Jimcaale Jaamac iyo ciidan kale oo loo xil-saaray ilaalinta goobaha diiwaan-gelinta ee Garoowe.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in dagaalka oo muddo kooban socday uu istaagay, isla markaana xaaladda tahay mid dagan, ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan ay socdaan dadaallo ay bilaabeen waxgaradka Puntland oo ku aadan, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka jirta halkaasi.

Dagaalka ayaa sii xoojiyey xiisada salka ku heysa arrinta diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha oo muran xoogan ka dhalisay dowlad Goboleedka Puntland, taasi oo weji cusub yeelatay, iskuna bedeshay gacan ka hadal.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal ka dhacay Garoowe & xiisad ka taagan
To Top