WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Dagaal u dhexeeyay ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Boolis Milataaro iyo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dagaalkan uu ka danbeeyay ka gadaal markii Al-Shabaab ay weerareen saldhiga ciidanka Booliska Milataaro ku leeyihiin halka loo yaqaano Arbacow ee Ceelasha Biyaha.

Weeerarkaasi kadib ayaa sida la tilmaamay waxaa bilowday dagaal socday mudo kooban oo dhexmaray Shabaabka iyo ciidamada dowladda, waxaana la maqlayay dhawaqa rasaasta ay dhinacyada isku adeegsanayeen, wallow markii dambe uu istaagay.

Weli ma cada khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, wararka ayaana intaasi kusii daraya in kooxdii weerarka soo qaaday inay baxsadeen.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa wax war ah kasoo saarin dagaalka. Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalkaas, waxayna shaacisay inay khasaare culus gaarsiisay ciidamada dowladda, balse ma shaacin tiro rasmi ah.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo ka dhacay Duleedka Muqdisho
To Top