WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka Xoogga oo Al-Shabaab kala wareegay Deg. Galcad

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa kumaandooska DANAB iyo Gor-gor ayaa maanta oo jimco ah mar kale dib u qabsaday degmada Galcad ee  gobalka Galgaduud ee Maamulka Galmudug oo dhawaan ay qabsadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada xoogga  ee huwanta ah ay dhowr jiho ka galeen magaalada Galcad oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana markii danbe halkaas isaga baxay Shabaabkii joogay, iyaga oo qaatay qalabkii ka yaallay.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay, isla markaana ciidanka ay wadaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.

Waxaa degmada Galcad todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Al-Shabaab oo kala wareegtay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka markii ay ku qaadeen weeraro iskugu jiray qaraxyo Is-miidaamin ah iyo mid toos ah, waxaana weerarkaas ku dhintay Taliyihii ciidanka Danab Xassan Tuure iyo xubno kale.

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka Xoogga oo Al-Shabaab kala wareegay Deg. Galcad
To Top