WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka DF oo qabsaday degaano muhiim ah


Ciidanka xoogga dalka iyo deegaanka ee macwiisleyda ayaa saaka la wareegay gacan ku heynta magaalooyinka Bacaadweyn iyo Qaycad oo katirsan gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen Shabaabkii ku sugnaa.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay dhowr  jiho ka galeen magaalooyinka, isla markaana ay isku fidiyeen xaafadaha Bacaadweyn iyo Qaycad oo muddo ay maamulayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo gacanta ku haayay.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay wadaan howlgalo miino baaris ah iyo sidoo kale baaritaano ay magaalooyinkan ka sameenayaan, waxaana wararka ay intaas kusii darayaan Al-Shabaab isaga baxeen magaalada Camaara oo katirsan isla gobolka Mudug.

“Ciidanka Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo geesiyaasha difaaca shacabka ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo Camaara” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday.

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka DF oo qabsaday degaano muhiim ah
To Top