Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu weeraray xero ciidanka Boolis Milataaro ay ku leeyihiin degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxa oo gaaray Askar ka tirsaneyd ciidanka Boolis Milataaro ee la weeraray, sida ay Warbaahinta u sheegeen dad ku sugnaa meel ku dhow goobta qaraxa oo aheyd yaqaan Siisii gaar ahaan dhista .
Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay qaraxan ninkii gaariga qaraxa laga soo buuxiyay waday, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay lix qof oo kale oo shan kamid ah ahaayeen askarta ciidanka iyo haweeney ka dhaweyd goobta uu qaraxu ka dhacay.
Maamulka degmada Dayniile ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa is-miidaaminta ay fashiliyeen ciidanka, waxa ayna xuseen in qaraxaasi loo waday magaalada qeybo kamid ah si dadka shacabka loogu dhibaateeyo.
Maalmo kahor ayaa qarax kan oo kale ah waxa uu ka dhacay meel cidlo ah oo katirsan degmada Dayniile, waxa ayna ciidamada qabteen labo nin oo la socotay gaariga qarxay, kuwaa oo u xiran ciidanka nabad sugida Soomaaliya.