WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Carruur lagu xasuuqay degaan ka tirsan Soomaali Galbeed

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil argagax leh oo xalay rag hubeysan ay ka geysteen deegaan hoos-tago Qabalaha Qorof ee Santarka Kaxandhalle Degmada Gallaadi ee dhulka Soomaali Galbeed.

Ugu yaraan shan wiil oo aad u da’yar ayaa hal goob lagu wada dilay, kuwaasi oo xilligii la dilaayay ku sugnaa meel ku dhow goob ay ka dhiganayeen Dugsi Qur’aan, waxaana wiilasha ay marka hore ka yimideen xarun ay ka socotay xaflad aroos ah.

Wiilashan la dilay ayaa kan ugu weyn ay da’diisa tahay jiro 13-sanno jir. Dadka deegaanka ayaa ku waramay dilka wiilashan in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan, waxaana dilkan argagaxa leh la tilmaamay in uu salka ku hayo aanooyin qabiil

Ciidamada booliiska ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan dableydii dilka geesatay, waxa ayna saraakiisha laamaha amniga tilmaameen in sharciga la horgeyn doono ragii dilkaasi ka dambeeyay.

Ehelada carruurtan aan dambiga gelin ee la dilay ayaa ka codsaday maamulka Soomaali Galbeed in ay soo qabtaan raggii ka dambeeyay dilka loo geestay wiilashooda.

Wararkii ugu danbeeyay Carruur lagu xasuuqay degaan ka tirsan Soomaali Galbeed
To Top