WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo Weerar ka geysatay Muqdisho

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar kusoo qaaday saldhig ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow oo ku yaalla duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay maqlayeen xalay dhawaqa rasaas xooggan oo ay isdhaafsanayeen ciidamada dowladda iyo ragii weerarka soo qaaday oo uu dhexmaray iska horimaad daqiiqo kooban socday.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka ka dhacay deegaanka Arbacow oo saldhig ku leeyihiin ciidamada dowladda, waxaana saldhigaasi uu kamid yahay saldhigyada ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ku wareejiyeen ciidanka amniga.

Habeeno kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab dagaal ugu soo qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Bar koontarool oo ciidanka amniga degmadaasi ay ku leeyihiin xaafada Tiida.

Weerarkaasi ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ugu yaraan saddex Askari oo ka tirsanaa ciidankii ku sugnaa barta Koontraool ee la weeraray, halka  Askar kalena ay dhaawacyo soo gaareen, raga weerarka soo qaaday ayaa iyaguna laga dilay laba Nin.

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo Weerar ka geysatay Muqdisho
To Top