WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo sarkaal sare ku dishay Kenya

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo dagaalmayaasha Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay ku dishay sarkaal Soomaali Kenyaan ah oo katirsanaa ciidamada ammaanka ee ka howgala qeybo kamid ah magaalada Gaarisa.

Weerarka lagu dilay sarkaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Naani, oo hoostaga magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana magaca sarkaalka lagu sheegay Deeqow Isaaq Aadan.

Dableydii dilka u geystay ninkan la shaqeenayay ciidamada ammaanka Kenya ayaa goobta si deg deg ah isaga baxsaday.

Ciidamada Kenya ayaana saakay howlgallo ka wada aaga uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada dhinaca xadka iyo goobo kale ay ka baadigoobayaan dableydii xalay dilka ka geesatay deegaanka lagu magacaabo Naani ee kuyaalla dhinaca xadka.

Al Shabaab ayaana xilliyada qaar weeraro gaadmo ah ka fulisa gudaha dalka Kenya gaar ahaan deegaannada dhaca xadka, waxaana muddooyinkii lasoo dhaafay la sheegay in aad u yaradaeen weeraradii Al Shabaab ka fulin jiree  gudaha

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo sarkaal sare ku dishay Kenya
To Top